Shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maalintii la baad ka socda magaalada Muqdisho.
Shirkan oo looga hadlayo sidii soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika, ayaa waxaa shalay daahfuray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirro,xildhibaanada labada Aqal ee BJFS,safiirada wadamada caalamka,Madaxda Jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.
Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda.



