Muqdisho-RisaalaFM- Wajigii Labaad ee shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta Qaran oo ay waday wasaaradda arimaha gudaha ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho.
Shirkan oo ay ka qayb galayeen maanta bulshada rayidka ayaa loogu tala galay in ay fikirkooda ku daraan hanaanka diyaarinta dib u hishisiinta qaran oo diyaarineysa wasaaradda arimaha gudaha.
Prof. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlayay afka bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay marka laga hadlaayo dib u heshiisiin iyo nabadeyn in ay jirto meel la hiig sanaayo, taasi ayuu tilmaamay in ay u baahan tahay karti wax lagu xalin karo.
Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdulaahi Faarax Wehliye oo soo xiray shirka ayaa waxa uu shegay aragtiyada kala duwan ee ka soo baxa shirkan in ay wax badan ka kaabi doonto hanaanka diyaarinta dib u heshiisiinta.
Sidoo kale waxa uu shegay wasiiru dowlaha in shirar nuucaan oo kale ah ay u qaban doonaan bulshada ku nool gobalka Banaadir iyo gobalada dalka intaasi kadibna ay soo gaba gabayn doonto wasaaradda arimaha gudaha hanaankan diyaarinta Dib u Heshiisiinta qaran ah bisha December ee sanaadkan.
Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa waxa soo agaasintay wasaardda arimaha gudaha, waxaana ka qayb galay xubno kala matalayay bulshada rayidka iyo hay adaha kala duwan ee dowladda si ay aragtidooda ugu daraan hanaanka diyaarinta dib u heshisiinta qaranka.



