Jubbaland oo ka jawaabtay Hadalkii Faarax Macalin

Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixisey hadal dhawaan ka soo yeeray gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Mudane faarax Maacalin Dawaara kaas oo ku aadana in maamulka Jubbaland ay ka hesho Kenya hal malyan iyo bar doolarka mareykanka ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa si wada jir ah u qabtay Shir jaraa`id kaas oo ay ku beeniyay hadalka ka soo yeeray guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Jubbaland Cabdirashiid Jirre qalinle ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid been abuur ah, Waxaa kale oo intaas uu ku daray in Faarah Macalin Dawaara uu yahay nin kenyaan ah oo loo bahan yahay in uu ka shaqeeyo danaha dalkiisa ee uusan ku mashquulin Arimaha gudaha Soomaaliya ,Qaasatan Dowllad Goboleedka Jubbaland oo ka midda Meellaha hadda dalka ugu Amniga badan .