Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ka socda Shir u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamul goboleeyadda .
Shirka ayaa waxaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Magaalada London, kaas oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in Shirka sidoo kale looga hadlaayo sidii loo dhisi lahaa Guddiga Amniga Qaranka.
Shirkaan ayaa waxaa Shir gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa ka qeyb galaya Shirka inta badan Madaxda maamul goboleeyadda.



