Shirka Madasha oo ka furmay Muqdisho

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa lagu soo waramaya in uu goordhow uu ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Shirka ayaa intabadan diirada lagu saaraya arimaha doorashooyinka .

Waxaa ka mid ah qodobada sida aadka ah looga hadli doono tabashada ay qabaan maamulka Puntland ee ku aadan doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.