DEG DEG: Puntland oo la wareegtay degmada Qandala

Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa maanta waxaa u suura gashay in ay dib ula wareegaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo mudo bil ah ay heysteen kooxda Daacish.

Dagaal xoog leh oo Ciidanka Puntland ay ku qaadeen kooxda Daacish ayaa waxa ay sababtay in ay la wareegaan Qandala, waxaana kooxda Daacish ay u carareen buuraha duleedka ka ah Degmada Qandala.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii Dagaalay, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.