Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya maanta oo Talaado ah waxaa ka furmaya shirka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Baydhabo shalay waxaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shirkan Baydhabo lagu qabanyo in lagu go’aamiyay midkii ka horeeyay ee Muqdisho lagu qabto, wuxuuna tilmaamay in laga hadli doono arrimo hormar ah u ah Baarlamaanada dalka ka jira.
Ajendaha shirkan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Talaado ah, waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidmo hubeysan.
Waa shirkii ugu horeeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.



