Faah faahin:- Dagaal xalay ka dhacay Afgooye

Afgooye-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Iska horimaad kulul, oo fiidnimadii xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii Xoogaga Ururka Al-Shabaab ay weerareen laba kontorool oo Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmadaasi.

Shabaabka weerarka soo qaaday, ayaa la sheegay inay wateen gaadiidka dadweynaha, iyadoo xilligii uu weerarku dhacayayna ay kala daadsanaayeen Ciidamada Dowladda.

Shabaabka oo dhowr jiho ka weeraray degmada ayaa sababtay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay soo baneeyaan kontoroolkii ay ku sugnaayeen, inkastoo ay dib ugu laabteen markii uu gurmad xoogan soo gaaray.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen muddo kooban in ay la wareegeen gacan ku haynta qaar ka mid ah xaafadaha ku yaala dhanka galbeed ee Degmada Afgooye.

Dagaalkan, ayaa dhaliyay khasaaro labada dhinac ah iyo weliba dadka rayidka, walow aan faah faahin laga hayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac, ayaa dhanka kale waxaa la’ogyahay dhimashada laba ruux oo rayid ah oo midi ay haweeney tahay iyo dhaawaca nin oday ah.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye, waxaana uu weerarkan noqonaya kiisii saddexaad bishan oo keliya ay ka gaysteen degmadaasi.