Shirar wali ka socdo Garowe & Puntland oo wali go’aankeeda ku dhagan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo weli sii wada dadaalkiisa ku aadan socdaalka uu Garowe u tagay  ayaa wararka madaxa banaan sheegayaan inuu shalay galab kulan la qaatay qaar ka mid ah isimadda Puntland, kullankaasoo ka dhacay aqalka Islaan Ciise Islaan Maxamed ee Garowe.

Kulamo u dhaxeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa wali ka soconaya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Kulamada ayaa looga hadlayaa arimaha doorashooyinka dalka ee ka dhacaya dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkaan 2016, waxaana la filayaa in maanta gelinta dambe laga soo saaro natiijada shirar ka dhacay Garowe.

Kulamo u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa shalay ka dhacay Garowe, waxaana sidoo kale kulamo ay dhexmareen wafdi ka socdo IGAD oo tagay magaalada Garowe iyo siyaasiyiinta Puntland.

Puntland ayaa diidan in qaabka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka, halka dowlada ay arintaasi isla saxiixeen maamul goboleedyada dalka qaarkood.

Gudiyo kala matalaya Puntland iyo dowlada Soomaaliya ayaa Garowe ku kulmay, waxaana Puntland loo sheegay in waqti yar ay ka harsan tahay doorashooyinka.