DHAGEYSO: Shirar gaar gaar ah oo ka socdo Jowhar iyo Beledweyne

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe waxaa ka soconayo dadaalo lagu doonayo in dib loogu bilaabo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale magaalada Jowhar waxaa ku sugan wafdi ka socda dowlada federaalka Soomaaliya oo magaaladaasi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la leeyihiin waxgaradka gobolka Sh/Dhexe.

C/kariin Cumar Macalin Aaloos, oo ah agaasimaha warbaahinta gobolka Sh/Dhexe ayaa Idaacadda Risaala u sheegay iney socdaan dadaaladii ugu dambeeyay oo dib loogu bilaabayo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in magaalada Jowhar ay ku sugan yihiin ergooyin matalaya shacabka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale magaalada Baladweyne waxaa ka soconayo dadaalo iyo kulamo gaar gaar ah oo ay wada qaadanaya masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta dowlada ka tirsan ee ku sugan magaalada Baladweyne ee dadaalada wada waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ee C/raxmaan Maxamed Xuseen “ Odawaa.

C/raxmaan Odawaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu qancinayo waxagaradka iyo odayaasha beelaha dega gobolka Hiiraan.

Shalay ayay ahayd markii Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay kala hogaaminayaan Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha iyo wdowlaha wasaarada Maaliyada ay kala gaareen magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar.