DHAGEYSO: Baaritaano laga sameeyay degmada Qoryooleey

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee kusugan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka sameeyay degmadaasi baaritaano dad lagu soo qabqabtay, markii qarax uu ka dhacay degmada.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Qoryooleey ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaanada ay ka dambeeyay qarax ka dhacay degmadaasi oo ku dhawaad shan ruux ay ku dhaawacmeen.

Maamulka degmada iyo saraakiisha amaanka ayaa sheegay in baaritaanka ay kusoo qabteen ku dhawaad shan ruux oo la tuhunsan yahay, waxaana socdo baaritaan lagu sameynayo dadkaasi.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin dhameystiran ka bixiyaan baaritaanada iyo dadka lagu soo qabqabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in la arkayay ciidamo badan oo xiray wadooyinka qaar ee soo gala degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.