Magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Yugaanda waxaa maanta ka furmay Shirka Urur goboleedka IGAD oo loooga hadlayo qodobo ay ugu muhiimsanyihiin xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah Soomaliya.
Shirkaan oo ay codsatay Dawladda Soomaaliya waxaa ka qaybgalaya Madaxwaynayaasha Soomaaliya, Yugaandha, Kenya, Jabuuti iyo koofurta Suudaan.
Shirka waxaa kale oo goob joog ah wakiilo heerkooodu sareeyo kuwaas oo ka kala socda ururada iyo Dawladaha daneeya arrimaha Gobalka Geeska Afrika.
Ururada jooga waxaa ka mid ah Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Jaamacadda Carabta, Waxaa kale oo shirka jooga Wufuud sare oo ka kala socda Dalal ay ka mid yihiin Maraykanka,Turkiga, Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka.
Dawlada Itoobiya ayaa ka cudur daaratay in ay shirka ka qayb gasho iyadoo ay soo Culeeysyo siyaasadeed ay la kulantay ka dib markii Adduunku si isku mid ah uga horyimidfaragelinta ay ku heeyso Soomaliya .
Gunaanadka shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro warmuritiyeen daaran qodobadii ay isla gorfeeyeen madaxda ka qeyb gashay shirkaan uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


