IGAD oo ka soo horjeesatay Xadgudubka Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya +War-murtiyeed

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah uga soo horrr jeestay xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Shir Madaxeedkii 42 aad ee  Ururka Goboleedka IGAD oo lagu qabtay  Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo uu soo maro dowladda Federaalka Soomaaliya.