Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Dawlad goboleedka Hirshabeelle  Muuse Salaad Wehliye ayaa  guddoomiyay  kulan looga hadlayay  amniga gobolka Hiiraan oo ay ka qayb galeen Saraakiiil ciidamada  oo ka kala tirsan   Xoogga  dalka , Nabad sugidda iyo Booliska kaas oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan  .

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle  Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu horreeyn warbixin ku saabsan  amniga  Magaalada Baladweyne   iyo Hawlgallada ka dhan ah Alshabaab ka dhageestay saraakiisha amniga  ee gobolkaasi.

Sidoo kale , Guddoomiyaha  Cusub ee gobolka Hiiraan ayaa  soo dhaweeyay dadaalada saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ugu  jiraan Xaqiijinta Amniga  ,waxa uuna  faray saraakiisha  in la xoojiyo qorshaha Sugida Amniga  Magaalada Baladweyne, wuxuuna  ballan qaaday  in maamulka gobolka Hiiraan kaalintiisa uu qaadan doono, isla markaana uu bilaaban doono isla xisaabtan dhab ah si xaaladda jirta wax looga  badalo.

Dhawaan ayaa Magaalada Bladweyne Waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaas ee u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle iyo  ciidamo taabacsan maamul la magac baxay Hiiraan State.