Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Somaliland

Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaari oo khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac geystay.

Gaari nooca Raaxadda ah oo kasoo baxay Magaalada Berbera ,islamarkaana kusii jeeday Magaalada Burco ayaa waxaa la sheegay in uu shil galay.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay 7 Kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Shilkaani ayaa waxaa uu ka dhacay Meel u dhow degmada Sheekh ee Somaliland.

Ciidamada Booliska maamulka Soomaliland oo goobta gaaray ayaa halkaasi ka qaaday dadkii dhaawaca ahaa ,islamarkaana gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Burco.