Waxaa Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose kusii qul qulaya wufuud kala duwan oo ka kala tagtay gobolada dalka iyo Magalada Muqdisho,kuwaas oo qaarkood horay u gaareen kuwana haatan ku wajahan yihiin.
Goordhow waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho ka duushay diyaarad sida Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa sidoo kale safarkooda ku wehliya Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana qaban qaabo lagu soo dhaweynayo ay ka socotaa Magaalada Kismaayo.
Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Cabsi Shakuur ayaa waxaa ay ka qeyb-geli doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa kasii horeeyey wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,kuwaas oo la filayo inay goordhow gaaraan.



