Madaxa Xukuumadda Galmudug, kana mid ah Hoggaanka Ahlusuna Wal-Jameeca ee Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saarey waxaa uu eedeyn kulul ugu jeediyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay afduubatay doorashada Galmudug.
Waxaa sidoo kale qoraalka kamid ahaa in dadka Reer Galmudug laag dhigey Marti,isla markaana maamul aysan qeyb ka aheyn la dhisaayo.
Sheekh Shaakir ayaa waaa uu sheegay in sida ay hadda Dowladda Federaalka wax ku wado hadii aysan wax ka bedelin ay dhisi doonaan maamul ay leeyihiin dadka Reer Galmudug.