Shariif Xasan oo baaq u diray shacabka Koonfur Galbeed

Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shacabka uu hoggamiyaha u yahay ugu baaqay in ay u gurmadaan walaalahooda Muqdisho, gaar ahaan kuwii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed in la sameynayo Guddiga Gurmadka Qaran, kuwaasi oo uruurinaya kaalmada ay bixinayaan shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay wixii ka dhacay Muqdisho in ay ahaayeen Musiibo Qaran, oo aanan la fileyn, wuxuuna u duceeyay dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe.

Dhanka kale Magaalada Baydhabo maanta waxaa la qorsheynayaa in uu ka dhaco Banaanbax balaaran, kaasi oo ay hor boodayaan maamulka degmada, Ardayda Jaamcadaha iyo iskuulada, kaasi oo loogu duceynayo dadkii ku lagu laayay Qaraxii Zoobe.

Guddoomiyaha degmada Baydhabo ayaa shacabka magaaladaasi ku nool ugu baaqay in maanta ay sameeyaan isku soo bax, kaasi oo lagu muujinayo sida ay uga xun yihiin xasuuqii ka dhacay Isgoyska Zoobe.