Shaqaddii Hay,adda Socdaalka oo la hakiyay

Hay’adda Socdaalka iyo jinssiyadaha soomaaliya ayaa sheegtay in mudo Todobaad ah oo kabilaabanaysa 14-21-ka bishaan September aysan qaban doonin wax shaqo ah.

Hay’adda Socdaalka ayaa dhowr jeer siddaan oo kale ku dhawaaqday joojinta howlaheeda.

“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Socdaalka.