Shaqaale Samafal oo lagu Afduubtay Koonfur Galbeed

7 qof oo shaqaale ka ahaa hay’ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo kusoo socdey magaalada Baydhabo.

Shaqaalaha la afduubtey ayaa dhamaantood ahaa dad Soomaali ah oo watey gaarigii ay kasoo kaxeysteen magaalada Buur-hakabo.

Ilaa iyo hadda lama ogga cida Afduubatay, laakiin warar ayaa sheegaya in halka lagu Afduubtay Shaqaalahaasi ay ka taliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Risaala u sheegay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu badbaadinaayo Shaqaalahaasi.