Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay maanta ka afduubtay meel qiyaastii 10-KM u jirta magaalada Baledweyne shaqaale ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe iyo nin darawal u ahaa.
Xubin ka mid ah Ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha ee Gobalada Dhexe ayaa VOA u sheegay in ragga la afduubtay oo tiradoodu ay gaareyso ilaa shan qof ay isugu jiraan dhakhtar dhinaca xoolaha ah, kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo darawal.
Wali lama sheegin kooxda qafaalatay dadkan laakiin degaanka uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa uu ka mid yahay degaanada ay Al-Shabaab ka taliyaan.
Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay in ay ka bixiyaan adeeg caafimaad, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Maamulka.
War ay VOA heshay ayaa sheegay in dhamaan dadkii laga qafaashay degaanka Caloola-cad la geeyay degaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii 30-KM Beledweyne u jira.


