Ruushka oo weerarka ‘kiimikada’ ah ku eedeeyay jabhadaha Suuriya

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in weerarkii ‘kiimikada’ loo adeegsaday ee dilay dadka badan ee shacabka ah kuwo kale oo badanna dhaawacay uu ka dhacay magaalo ay mucaaradku haystaan in uu sababay hub laga riday dhulka ay maamulaan jabhaduhu.

Wasaaradda difaaca ayaase qirtay in diyaaradaha dagaaalka ee Suuriya ay weerar ka gaysteen magaalada Khan Sheikhoun oo ka tirsan gobolka Idlib.

Laakiin waxay sheegtay in diyaaradahu ay weerareen kayd lagu sameeyo miinooyin walxo sun ah laga buuxiyay oo la rabay in lagu isticmaalo Ciraaq.

Laakiin Maraykanka iyo qolyo kale ayaa sheegay in diyaaradaha Suuriya ay soo rideen hub kiimiko ah, laakiin dawladda Suuriya ayaa diiday eedaymahaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee UK Boris Johnson ayaa warka Ruushka kaga jawaabay in “dhamaan cadaymaha uu arkay ay tilmaamayaan in xukuumadd madaxweyne Bashaar al Asad ay ka dambaysay weerarkaas, ayna hub sharci darro ah u isticmaalayso dadkeeda.”