Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Soomaaliya oo berri la fasaxay

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa sheegay in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneeyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.