Jowhar-RisaalaFM- Ismaaciil Maxamed Culusow Wasiiru Dowlaha Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Hir-Shabeelle oo ka mid ahaa liiska Golaha Wasiirada ee maanta loogaga dhawaaqay magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.
Ismaaciil Culusow ayaa sheegay sababta uu isku casilay in ay tahay inaan lagala tashan xilka uu Madaxweynaha Hirshabelle uu u magacaabay oo ah Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.
Ku dhowaaqista is casilaada ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku dhowaaqo mid kamid ah Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare ayaa magacaabay Gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood, iyadoo aanay ku jirin Wasaaradda Haweenka oo aanay wali cidna loo magacaabin.


