Jillib-RisaalaFM– Maxkamadda Al Shabaab ee ku taalla degmada Jilib ayaa gelinkii dambe ee maanta xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.
Dadweyne la isugu keenay fagaare ku yaalla degmada jillib ayaa daawanayay qisaasta lagu fuliyay raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 22 ilaa 36 sano.
Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirteen falka lagu soo eedeeyay, islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.
Saraakiisha Al Shabaab ee goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in sidan loo tooganayo qof walba oo basaas u noqda hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.
Ragga Shabaab ay toogteen ayeey magacyadooda iyo dalalka ay la kala shaqeynayeen waxa ay ku sheegeen.
1:Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sano jir ahaa waxa ay ku eedeyeen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka.
2-Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Bangaraafta Mareykanka
waxay kale oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay weerar Mareykanku ka geystay magaalada Saakow.
3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Mareykanka iyo dowladda Federaalka waxay kaloo ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Sh/hoose.
4- Cawaale Axmed Max’med 32 sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Mareykanka ee loo yaqaan MI6 waxay kaloo ku eedeeyeen in uu muddo sanada ah shaqada u haayay dowladda UK, sidoo kale Ninka Jaasuuska ah ayaa maxkamadda ka hor qiray in uu Jaajuusi jiray dad Soomaali ah oo dalka UK deggan markii dambana ay saraakiisha MI6 lacago siiyeen ayna usoo direen Soomaaliya.
5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay dowladda Federaalka.
Xukunada noocaan oo kale ah ayey Shabaab ka fuliyaan gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinayo inuu sameeyay qiraal.


