Shabaab oo sheegtay Qaraxii lagu dilay Gen. Goobaale

War Shabaab goor dhow ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxii lala eegtay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay Agagaarka Wasaarada Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, xilligaas oo Gaariga Gen. Goobaale uu marayay halkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ninka is Qarxiyay ee Shabaabka ahaa Gaarigii uu watay uu ku horjaray Gaarigii ay la socdeen General Goobaanle iyo Ilaaladiisa, kadibna uu Gaarigii halkaasi ku Qarxay.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay Gen. Goobaale iyo 6 ka mid ah Ilaaladiisa halka sioo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.