DHAGEYSO: Biyo yari ka jirta Buur-hakaba

Buur-hakaba-RisaalaFM- Shacabka ku nool Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa waxa ay qeylo dhaan ka muujiyeen dhibaatooyinka xilligan ka taagan Degmadaasi.

Degmada Buur-hakaba oo qiyaas ahaan Magaalada Baydhabo u jirta 65-KM sidoo kalena kaga beegan dhanka Waqooyi ayaa shacabka halkaasi ku nool mudooyinkii dambe waxa ay ka cabanayeen Biyo yari baahsan oo halkaasi ka jirta.

Gudoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay dhibaatada ugu weyn ee Degmada heysata in ay tahay Biyo yarida xilligan soo wajahday, isagoo sidoo kale sheegay in Warihii Degmada ay gureen.

Maxamed Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegay in Biyaha hada ay ka doontaan meel aad uga fog Degmada, waxaana uu maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in gar gaar deg deg ah ay la soo gaaraan shacabka ku nool Degmada Buur-hakaba.