Dhoobley-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen weerar ka dhacay xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobollada Jubbooyinka in ay ku dileen dad Kenyan ah.
Waxay sheegeen Shabaabka in ay gudaha degmada Dhoobley ku dileen Saddex qof Kenyaan ah oo ay sheegeen in ay u shaqeynayeen shirkado ay leedahay dowladda Kenya.
“Saddex qof Kenyan ah oo la shaqeynayay Ciidamada Militariga Kenya ayaa lagu dilay weerar ay Mujaahidiintu ka fuliyeen Bartamaha Degmada Dhoobley.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Shabaab.
Warar madax banaan ayaa sheegaya dadka la dilay in ay ahaayeen Injineero ciidanka Milliteriga Kenya la shaqeynayay, kuwaasi oo ay toogteen rag bastoolado ku hubeysan, kadibna goobta isaga baxsaday.
Ilaa hadda Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Dhoobley kama aysan hadlin warkan Shabaabka ay ku sheegteen in ay ku dileen ilaa Saddex nin oo u dhashay dalka Kenya.



