Jillib-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaab shalay gelinkii dambe halkaasi ay ku dileen 2 Nin oo ay sheegeen in ay u shaqeynayeen Dowladaha Ingiriiska iyo Kenya.
Labada nin ayaa lagu dilay fagaaraha weyn ee Shababka ay u yaqaanaan Macalin Aadan Ceyrow, waxaana halkaasi soo buux dhaafiyay Dadweyne fara badan kuwaas oo daawanayay qaabka uu dilka u dhacay.
Labada Nin ee ay Shabaabka ku dileen fagaare ku yaalla Degmada Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay u kala dhasheen Kenya iyo Soomaaliya, waxaana Shabaabka ay ku eedeeyeen in ay gudbin jireen xog ku saabsan Shabaabka iyo meelaha ay doonayaan in ay Howlgada ka fuliyaan.
Warar Madax banaan ayaa sheegaya Labada Nin ee ay Shabaabka dileen in ay horey uga tirsanaayeen iyaga, oo in muddo ah ay ku jireen xabsi ku yaalla halkaasi.
Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale Degmada Jillib ugu dilay Rag ay sheegeen in ay la shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha deriska la’ah.


