Shabaab oo dib uga baxay Afgooye

Al-shababaab ayaa dib uga baxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib weerar Qaraxyo ku bilowday oo galabta ay ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmadaasi.

Dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Ciidanka Dowladda ayay Shabaab ugu suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan qeybo ka mid ah Degmada Afgooye.

Dagaalkan ayaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalantay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa waxaa loo soo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.