Afgooye-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalkii gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmadaasi in uu ku dhintay Mas’uul ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud (Qooleey) ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkii Qaraxa ku bilowday ee gelinkii dambe maanta ka dhacay Degmada Afgooye, sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.
Sidoo kale weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana ku dhaawacantay Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo xilligii uu weerarka dhacayay ku sugnaa goobtaasi.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan in loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.


