Sergio Aguero Oo Shil Gaari Galay Xilli Uu Ku Sii Jeeday Garoonka Tababarka Manchester City

Xiddiga Manchester City Sergio Aguero ayaa shaki gaari oo xun galay ka hor kulanka ay isbuuca soo socda kooxdiisa la ciyaareyso Crystal Palace.

Weeraryahanka reer Argentina oo 31 sanno jir ah ayaa ka badbaaday shilka wax dhaawac ahna ma uusan soo gaaray, laakiin gaarigiisa Range Rover-ka ah ayaa bubruray.

Cagta dhanka gaariga laga kaxeeya ayaa isku wareegatay halka gaariga qeybihiisa kale uu burbur xoogan soo gaaray ka dib markii uu shil galay isagoo ku sii socday garoonka tababarka Manchester City.

Weeraryahanka ayaa ka baaqsaday inuu u ciyaaro xulka Argentina maalmihii u danbeysay waxaana uu baaqi ku sii ahaa Manchester isagoo ka soo kabsanayay dhaawac.

Aguero ayaa tababar ku sameynayay xarunta tababarka Man City ee Etihad Camp labadii isbuuc ee lagu maqnaa kulamada heerka caalami.

Waxaana uu maanta ku sii jeeday xarunta tababarka markii uu shilka dhacay taasoo keentay in gaarigiisa uu burbur xoogan soo gaaro.