Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa shaaca ka qaaday weeraryahanka ugu fiican ee kooxdiisii hore u noqon kara bedelka Zlatan Ibrahimovic.
Inkastoo Scholes qabo 35-sano jirka Zltan in uu sii joogo kooxda hal sano oo kale, hada waxa uu xisaabta ugu daray in loo baahan yahay bedelkiisa mudada dheer.
halyeeyga Red Devils ayaa aaminsan in saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid iyo xulka France Antoine Griezmann uu u yahay wax weyn kooxda Manchester United.
25 sano jirka reer France ayaa noqon kara bedelka ugu macquulsan ee Zlatan marka uu ka tago Old Trafford -ayuu yiri Paul Scholes.
Paul Scholesayaa dhowr jeer ku celceliyay in United ay u baahan tahay saxiixyo waxtar leh, waxaana uu u arkaa Antoine Griezmann dooq ku haboon kooxdisii hore.


