Conte Oo Magcaabay Ciyaaryahanka Furaha U Ah Shaxdiisa Cusub

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Pedro ayaa loo aqoonsaday inuu yahay mid kaliya uu jecelyahay tababare Antonio Conte, iyadoo ciyaaryahanka uu muhiim u yahay dhismaha cusub-ee 3-4-3 sida uu sheegay macalinka.

Ninka caalamida ah ee dalka Spain ayaa kusoo bilaawday dhamaan kulamadii kooxdiisa xili ciyaareedkaan kasoo muuqdeen taasoo ka dhigay inuu kasabaday kalsoonida macalinkiisa.

Pedro ayaa lagu bedelay Willian markii uu ka guuray macalinka shaxdii hore ee Chelsea, waxaana uu ku amaanay Conte line-upkiisa inuu  fure u yahay ciyaaryahankii hore ee Barcelona.

29-sano jirkaan ayaa dhaliyay labo gool isagoo shan kale caawiyey xilli ciyaareedkan, waxaana uu kujira waqtigiisii ugu wacnaa kubdda cagta England.