SAWIRRO: Uqaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada oo Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday

Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii  uu ku soo qaatay Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013  ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad  ee ciidamada qalabka sida G, sare xasan cali nuur suute ayaa weydiiyay Jaamac  Xuseen Xasan  jiritaanka dambiyada ay soo  jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha Daacish iyo Al-Shabaab balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha  weydiisteen in  loo ogolaado Maxkamadda  in  ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa  eedeysanah,  markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee  degmada Afgooye  ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah  oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Sharaxaadda  baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle abuukar weli  oo ka tirsan ciidamada  amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballada  bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

Kabtan Muumin xuseen cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qalabka sida  ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh  oo ah muuqaallo  laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha.

Guddoomiyaha  Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda,  waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.