SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay weerarkii xalay dhacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay lagu weeraray hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo afaafka hore ee beerta Nabbadda , kuwaasi oo qasaaro geystay.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaad 10 ruux ku sheegtay tirada dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday SYL, waxaana jiro dhaawacyo intaasi ka badan.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo gaari laga buuxiyay, wuxuuna sheegay in qasaaraha uu geystay uu koobnaa.

Wasiirka Amniga C/risaaq Maxamed ayaa dhankiisa saxaafada u sheegay in ku dhawaad 200 oo Kg  oo waxyaabaha qarxa ah laga buuxiyay gaariga koowaad ee lagu weeraray hotel SYL.

Bartiisa Facebook ayuu wasiirka kusoo qoray in afar kamid ah ciidamada amaanka ku dhinteen weerarka koowaad, isaga sidoo kale sheegay in dad kale ay ku dhawacmeen.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay hotelka SYL, waxaana laga yaabaa in qasaaraha dhimashada ay ka badato tirada dowlada ay ku sheegtay.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay qaraxa koowaad ayaa muujinaya dadka qaarkood oo dhismayaal ay kusoo dumeen iyo dad waxyeelo ay gaartay xili wadada ay marayeen, maadaama la arkayay gaadiid yaryar oo waxyeelo ay soo gaartay.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka, iyaga oo sheegay iney weerareen  hotel SYL oo kasoo horjeeda albaabka madaxtooyada Soomaaliya.

8238_430291680479343_3054340467574065837_n 580379_430291543812690_3534126781011829330_n 12705553_430291607146017_7132388797352446334_n 12718063_430291357146042_1827835129801610200_n 12794386_430291460479365_4587270894948925201_n