SAWIRO:-Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka Heer Wasiir ee Ururka IORA

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka jeediyay khudbad Shirka seddexaad ee heer Wasiir ee Ururka IORA ee dhaqaallaha baluugga ah oo lagu qabtay Magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh intii u dhexeysay 4-5 September.

Wasiiru dowlaha waxa uu ka hadlay horrumarada siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay wadamada ka qeybgalay shirkaasi in ergooyinkooda diblomaasiyadeed dib uga furtaan Muqdisho, ayna dalka ku sameeyaan maalgeshi ballaaran.

SAWIRO:-Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka Saddexaad ee Ururka IORA