SAWIRO:-Roobkii ka da’ay Muqdisho oo saameyn yeeshay

Magalada Muqdisho waxaa ka da’ay Galabta ilaa Caawa Roob xoogan kaas oo saameeyay inta badan isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga Magaaladda.

Roobka ayaa biyo farabadan waxa uu dhigay wadooyinka Caasimadda,iyada oo dadka iyo gaadiidkaba ay ku adkaatay inay isticmaalaan wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.

Saameynta ka dhalatay Roobka ayaa waxaa ka mid ah Guri ku yaalla Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir oo Caawa soo dumay,iyada oo laga soo bad-baadiyay dad dhismahaasi ku hoos jiray.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga & Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Caawa habeenkii abaad kormeer ku sameynaya degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo uu saameeyey Roobka.

‘Waxaan ku jirnaa gurmadka iyo u kuurgelidda xaaladda roobabkii da’ay saacadihii ugu dambeeyay oo magaalada saameyn weyn ku yeeshay isu socodka iyo nolosha dadka danyarta ah ayuu yiri’Guddoomiue Tuulax

Si kastaba markii inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka uu roobka ka da’o ayaa waxaa uu saameynta ugu badan ku yeeshaa dadka danta yar.