SAWIRO:-Puntland oo Maanta soo bandhigtay Ciidamo gaar ah

Maamulka Puntland ayaa Maanta Magalada Garoowe waxaa ay kusoo bandhigeen Ciidamo gaar ah oo la magac baxay tayeynta ammaanka Caasimadda Maamulka Puntland ee Magalada Garoowe.

Wasaaradda Amniga Puntland & Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay ciidamada bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wato magaalada Garoowe iyo dhalinyarada ku howlan falalka lidiga ku ah Ammaanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdi Samad Maxamed Galan ayaa sheegay in Ciidamada & Saraakiishooda  laga soo xulay Ciidamada kala duwan ee Puntland,isla markaana uu rajeynayo inay gudan doonaan waajbaadkooda,balse looga baahan yahay in howsha loo igmaday  cidnana ugu turin.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Ciidamadaan laga doonayo inaysan rasaasta si micno-darro ah ku ridin ,isla markaana askarigii amar la’aan xabad rida wixii ka dhasha uu isaga mas’uuliaydiisa qaadi doono.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamadaan looga baahan yahay inay si daacad ah ugu adeegaan Shacabkooda,waxaana uu ku amray in cid alaala cidii qori ku dhex qaatada Magaalada Garoowe ay ka qaadaan.

Goobta Maanta Puntland ay Ciidamada gaarka ah kusoo bandhigtay ayaa waxaa ku sugnaa Duqa degmada Garoowe, guddoomiya ku-xigeenka gobolka Nugaal, taliyaasha ciidamada booliska iyo Daraawiishta iyo wasiirka amniga Puntland.