SAWIRO: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Dowlad goboleedka Puntland,kuwaas oo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafiga waxaa hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed  dhoobo Daareed.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa uu ka qeyb gali doonaa Caleemasaarka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.