DHAGEYSO: waxgarad ku baaqay in la joojiyo aanooyin qabiil oo ka taagan Hirshabelle

Dilal ku saleysan aanooyin qabiil, ayaa bilihii ugu dambeeyay ka taagnaa degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe & Hiiraan xuduuda ay wadaaagaan, iyadoo arrintaasi ay sii korodhay.

Dilalkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay ka dhaceen degaano hoostagga Qoryooley Galcad & Ceelbraaf halkaasi oo lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Dilalkaan ayaa waxaa bilaabay rag ka tirsan Kooxda Macawisleyda ee ka dhisan Hiiraan, waxaana hadda laga cabsi qabaa inuu sii ballaarto arrintaasi.

Qof ka mid ah dadka degaanka, ayaa Risaala uga waramay dilalkii ugu dambeeyay ee dhacay , waxaana uu baaq u diray  Maamulka Hirshabelle oo taageeraa Kooxdaan.