SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wakiilka QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed oo ka qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qarama Midobay ee Soomaaliya Ambassador james Swan.

Labada dhinac ayaa waxaa ay kulanka uga wada hadleen Arrimaha Amniga Dhameystirka Dastuurka Koonfur Galbeed iyo kor u qaadida Arrimaha Hormarinta deegaannada Maamulkaas.

Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa kulanka ku wehlinayey Agasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed ibraahim Cabduqaadir Maxamed  iyo Wakiilka Koonfur Galbeed ee unugga Deeqaha Soomaaliya.