Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay  Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Buulle Goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka soshanguve  oo ka tirsan Magalada Pretoria ee Wadanka koonfur Afrika, iyaga oo dhowr xabood ku dhuftay,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana Bilihii la soo dhaafay Gudaha dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalka Koonfur afrika weli kama hadlin dilalka joogtada ah ee dalkaas loogu geysanayo Soomalida,waxaana soo badanaya walaaca ay qabaan dadka Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika.