SAWIRO: Madaxweynaha KGS oo qaabilay wafdi ka socday UNSOM

Madaxweynaha dhawaan la caleemasaaray ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi ku qaabilay Wafdi ka socday UNSOM.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay Wakiilka UNSOM ee Magaalada Baydhabo, waxaana ay kullan xasaasi ah la qaateyn Madaxweyne Laftagareen iyo qaar kamid ah wasiirada Maamulkasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa, oloaha dib u heshiinta uu Maamulkaasi ka wado Baydhabo, iyo kaalinta ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in Wafdigaasi ka socday Qaramada Midoobe ay aad ugu amaneen waxa uu ku tilmaamay dadaalada derderta ku bilaawday ee dib u heshiisiinta oo Baydhabo ka socda.