Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa gudoomiyey shir ay isugu yimadeen lamaha amaanka gobolka Bakool, kaasi oo looga hadlayey xoojinta ammaanka degmooyinka gobolkaas ,
waxaa shirka sidoo kale goob joog ahaa wasiir ku xigeenka ammniga kg, taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, taliya ciidanka daraawiishta kg, saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM, inta uu socday shirka waxaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ,kaas oo la doonayo in sida ugu dhow in Al-shabaab looga saaro goobaha ay kaga suganyihiin guud ahaan Koonfur Galbeed.
Shirka inta uu socday waxaa warbixino ku aadan ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad guutada 9aad laga dhegeystay taliyaha guutada waxana uu shegey in ciidanka badankood ay qaadan howlagalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Shirka oo ahaa mid inta badan looga hadlayey Ammaanka gobolka bakool,ayaa la isku af gartey in laga shaqeeyo xureynta gobolka bakool, oo degmooyin qaar ay gacanta kaga jiraan a Al-Shabaab.




