Akhriso:-Wasiirka Gaashaandhiga” Waxaan kordhinay howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab”

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Xassan Cali Maxamed (Amardambe) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in Alshabaab uu waqtigoodi dhamaaday, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay wadaan howlgallo looga saarayo  guud ahaan dalka.

Wasiir Amardambe ayaa sidoo kale xusay in uu weli furanyahay Cafiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u fidiyay dhallinyarada ka mid ah Alshabaab, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada la qalday in ay isku soo dhiibaan Ciidamada ammaanka ka hor inta aan dagaal lagu soo qaban.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa imaanaya iyadoo billiihi u dambeeyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedyada ay wadeen howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.