Taliyaha Ciidamada Jubbaland Sareeya Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) oo ka hadlay howlgal ciidamada Daraawishta Jubbaland iyo Ciidamada Danab ay ka sameeyeen Deegaano hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in ay khasaaro baaxad leh u geesteyn dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo deegaanadaasi ku sugnaa.
Waxa uu sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen ilaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Shabaab kadib iska hor imaad ku dhexmaray deegaanadaasi waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada tababarka gaarka ah la siiiyey ee Danab ay hwolgalada nuucaan oo kale ah joogteen doonaan.
Taliyaha ayaa sheegay in Shabaabka ay weerarka ku qaadeen ay ku dhuumaaleysanayeen deegaanada Araare, Bangeni, Koban iyo Xaaji Muuse oo dhamaantood hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.




