SAWIRO: Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray Xarumo ku yaalla Jigjiga

Guddomiyaha golaha shacabka bjfs mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa maanta kormeeray xaruunta cusub ay ku shiri doonan golaha xildhibaanada baarlamanka dowlad deegaanka soomalida , kormeerka guddomiyaha ayaa ku wehlinayey guddomiyaha golaha xildhibanada dowlad deegaanka soomalida mudane maxamed cabdi aadan iyo xildhibaano, iyo mas’uuliyin ka socotay dowlad deeganka soomalida

Dhanka kale guddomiyaha golaha shacabka mudane maxamed mursal shekh cabdiraxman ayaa kulan la qaatay ardayda waxkabarata caasimadda dowlad deegaanka ee jigjiga iyago islamarkana guddomiyaha warbixin ka siiyey xaaalada waxbarasho ee ardayda

Geesta kale mas’uuliynta dowlad deeganka soomalida oo u horeeyo guddomiyaha xildhibaanada baarlamanka dowlad deeganka ayaa guddomiyaha golaha shacabka bjfs iyo wefdigiisa u sameeyeen qado sharaf iyo sagootin heer sare ah waxaana mas,uuliyinta dowlad deeganka oo u horeeyo guddomiyaha dowlada deegaanka mudane maxamed cabbdi aadan guddomiyaha golaha shacabka jfs mudane maxamed mursal guddonsiiyey hadiyado kala duwan oo hidaha iyo dhaqanka soomaliyeed