Dood ayaa ka dhalatay heshiis galabta ay kula saxiixdeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.
Labo Warsaxafadeed oo kasoo kala baxay Madaxtooyadda Kenya iyo tan Soomaaliya ayaa dhaliyay dood qabsatay baraha bulshadda taasoo ku aadaneyd dacwadda badda ee labada dal.
Dooda ayaa timid ka dib markii hadal aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaaliya ay shaacisay Madaxtooyadda Dowladda Kenya taasoo si rasmi ah u xaqiijisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muujiyay Kalsoonida uu ku qabo Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ lagu xaliyo qaab wada ogol ah oo ah habkii ay horay dowladda Kenya u Codsatay.

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliya ayaa baraha bulshadda ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo ay sheegeen in looga baahan yahay in uu caddeeyo Waxa ka jira hadalka Kenya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Madaxweynaha laga rabo in uu runta sheego maadaama la arkay Mowqifka dowladda Kenya ee dacwadda.
“Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.



