SAWIRO:- Golaha Wasiirada oo kulan xasaasi ah u socdo

Magaalada Muqdisho gaar ahaan mid kamid ah Hoteelada ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa kulan uu uga socdaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo ay kamid yihiin, Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Xubno kamid ah Golaha Wasiirada ayaa kulanka uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo sida ay u daradar gelin doonaan howlaha horyaalla, sida Amniga, doorashooyinka iyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo jeediyay hadal ku aaddan wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.

Waxyaabaha kulanka kasoo baxa kala socda www. Radiorisaala.com